header
xogtaxamar xogtaxamar xogtaxamar Smiley face
SOMALI LINKS

Filimka Laga sameeyey burcad badeeda oo qarka u saaran in uu hogaanka u qabto Filmada Hollywoodka ee sanadkan

Filinka laga jilay qisada dhabta ah ee Burcadeeda Soomaalida ee Captain Phillips ee ay wadaan jilayaal Soomaaliyeed iyo jilaaga rug cadaaga ah ee Tom Hanks  ayaa taagan fiidda sare ee qiimeynta ama tartanka tobanka filin ee u sareysa box office-ka Hollywood iyadoo filinkani la rajeynayo inuu ku guuleysto abaalmarin Oscars sanadkan 2013 hadii uu garaaco filinka tartanka kula jira ee la Gravity oo uu ah filin uu wado jilaaga George Clooney.

Filinkan Captain Phillips ayaa  hal weekend kaliya kusoo xareeyay lacag gaareysa 17.3 Milyan Doolarka Mareykanka ah  halka uu sii marayo qiimahiisa haatan ilaa 53.3 Milyan oo Dollarka Mareykanka ah iyadoo uu 2 isbuuc kaliya saaranyahay Shineemada, halka filinka tartanka kula jira ee Gravity oo kaalinta koowaad ahi uu soo xareeyay 171 Milyan oo Doolar laakiin uu ka waqti dheeraa hal todobaad.

Waxaa layaab noqotay sida filinkan Captain Philips oo waliba isbuucan soo gaaray wadamada waaweyn ee Yurub una sii dhimantahay Afrika iyo Aasiya uu kaalinta labaad ka taaganyahay qiimeynta kaalimaha Box Officeka iyadoo la hubaba in uu kaalinta koowaad ka gali doono filinka Gravity waa hadii uu shineemada saarnaado ilaa 2 week oo kale oo hadda dhiman.

Arrintani ayaa ah mid  guul u noqoneysa jilayaasha Soomalida ah ee wada filinkani waa hadii uu sidaan ku socdo , waana la saadalinayaa in ay ku tartamayaan iyagana oo ay qaadanayan doorar muhiim ah oo abaalmarinta Oscar ah sida Jilaaga labaade ama Kaabe Laadernimo.

 

Did you like this? Share it:

xogtaxamar.com kala soco warar xaqiiqo ah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

MAXAA CUSUB